20 qoys oo ku nool magaalada Kutus ee ismaamulka Kirinyaga ee Bartamaha dalka ayaa laga daadgureeyay gurigii ay degganaayeen.
Tani ayaa timid ka dib markii dhismaha ay qoysaskan deggan yihiin oo ka kooban ilaa saddex dabaq lagu arkay dildillaac.
Waxaa daadgureynta dadkan hoggaaminayay wasiirka wasaaradda dhulalka ee Kirinyaga Samuel Njoroge.
Qaar ka mid ah qoysaska halkaasi laga saaray ayaa warbaahinta la hadlay.