DHAGEYSO:2 qof oo lagu eedeyay inay lo’o xadeen oo lagu gubay Murang’a

0
254

Waxaa tuulada Gakonya ee deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a lagu dilay ka dibna meydadkooda dab lagu qabadsiiyay labo qof oo lagu tuhmay inay lo’o xadeen.
Shacabka tuuladaasi ayaa warbaahinta u sheegay in waabarigii saaka ay arkeen labada qof oo baabuur xamuul ku raraya afar neef oo lo’o ah oo la rumeysan yahay in la soo dhacay.
Waxay intaasi ku dareen in tuhmanayaasha ay badnaayeen balse intii kale ay baxsadeen oo labo ka mid ah gacanta lagu dhigay.
Dadweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan ay ka mid ahaayeen koox halkaasi ka gaysata dhaca xoolaha si ay xoolahan uga iibiyaan kawaannada ku yaalla ismaamullada Kiambu, Murang’a iyo Nairobi.