DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Lamu xilli guryo badan dab la qabadsiiyay

0
349

Waxaa lagu soo warramayaa in weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ay ku dhinteen 2 qof halka 10 guri dab la qabadsiiyay.
Koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa habeenimadii Talaadada soo galeysay weerarkan gaysatay.
Waxaa weerarkan xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala galbeedka dowlad deegaanka Lamu Gabriel Kioni.
Labada qof ee la dilay ayaa saarnaa gaar xamuul oo kooxda weerarka gaysatay rasaas ku fureen.
Saraakiisha ammaanka ayaa haatan ku daba jira kooxdii weerarka gaysatay, kuwaas oo goobta ka baxsaday
In ka badan 30 nin oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay weerarka ka dib dhac gaysteen.
Waxaa weerarkan ka hadlay dadka deegaanka oo ay waxyeeladu soo gaartay

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii weerar kan la mid ah laga gaystay tuulada Salama ee ismaamulka Lamu.