DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Nakuru

0
254

Labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen shil laga soo tabiyay aagga Sayatu ee waddada u dhexeysa Nakuru iyo Eldoret.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in shilkaasi ay ku dhaawacmeen 14 qof oo isugu jiro darawalka iyo 13 rakaab ah.
Dhaawaca ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Nakuru.
Booliiska ayaa sheegay in shilka uu u dhexeeyay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo ay leedahay shirkadda Eldoret Shuttles iyo gaari xamuul oo agagaarka waddada yaallay.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in labada qof ee shilka ku geeriyooday ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Eritrea.
Haweeney goobjooge u ahayd shilkaasi ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay.