Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof oo waddada agteeda lugeynayay ka dib markii mid ka mid ah baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ee shirkadda Neno Sacco oo si xowli ah loo waday uu jiiray.
Shilkan ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn isbitaalka wayn ee Embu .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mataatuuada ay ku dhacday dhowr mooto iyo labo gaari oo kale .
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay rakaabkii gaariga saarnaa oo la geeyay isbitaalka Embu si loo daaweeyo.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in darawalka mataatuuda uu baabuurka xakameyn waayay maadaama uu furinka ama bareegga goostay ka hor inta uunan shilku dhicin .