DHAGEYSO:2 qof oo ay burcad ku dishay Baringo

0
457

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof iyadoo ruux kalena uu dhaawacmay ka dib weerar ay burcad ka gaysatay aagga Nosukuro ee Koonfurta ismaamulka Baringo.
Weerarkan ayaa sidoo kale xalay lagu dhacay in ka badan 50 neef oo lo’ ah.
Labada qof ee la dilay ayaa ka mid ahaa xoolo dhaqatada Baringo waxaana meydadkooda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Kabarnet iyadoo qofka ay soo gaareen dhaawacyada culus lagu daaweynaya isbitaalka heerka afaraad ee Nakuru.
Qaar ka mid ah dadweynaha Koonfurta Baringo ayaa dhacdadan uga warramay warbaahinta.