Waxay cabasho ka soo yeeraysa 18 ka mid ah qoysaska ku nool tuulada Sakaitim ee deegaanka Molo oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa timid ka dib markii qoysaska uu khiyaanay qof wakiil ah oo u sheegay inuu carruurtooda u fududeynaya inay tagaan dalka Qatar oo ay halkaasi uga soo shaqeeyaan.
Hasa ahaate ka dib markii ay bixiyeen kumanaan shilin ayuu wakiilka taleefoonka ka xirtay waxayna arrintan ku wargeliyeen laamaha ammaanka.
Qoysaskan ayaa codsanaya in dowladda ay gacanta ku soo dhigto wakiilka lacagahooda ka khiyaanay si looga qaado tallaabo sharciyeed.