DHAGEYSO:18.4 bilyan oo loogu talagalay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC

0
194

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ismaamulka Kericho ka sheegay in dowladda dhexe ay wasaaradda caafimaadka u qoondeysay 141.2 bilyan oo shilin.
Ugu yaraan 18.4 bilyan oo shilin oo lacagtan ka mid ah ayaa loogu talagalay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC oo lagu wado inuu madaxweynaha dalka William Ruto daahfuro 20-ka bishan Tobnaad.
Rigathi Gachagua oo fagaaraha Kapkatet stadium ee ismaamulka Kericho ka furay shirka caafimaadka guud ayaa dhanka kale u mahadceliyay shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka bulshada.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay ballaarin doonto barnaamijkan si dhammaan loo gaarsiiyo qoysaska ku nool wadanka.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in 100, 000 oo ah dadka si iskood ah uga shaqeeya howlaha caafimaadka la siiyay qalab ku filan oo ay dadweynaha ku booqan karaan guriyahooda guud ahaan 47-da ismaamul ee dalka.
Waxaa laga doonaya in ay si dhow ula socdaan xaaladaha caafimaad ee dadweynaha oo ay u adeegaan sidoo kalena ay siiyaan talooyin la xiriira qaabka ay ku heli karaan daryeel dheeraad ah.

Mr. Gachagua ayaa dhanka kale maamulka isbitaalka Kericho guddoonsiiyay shahaado muujinaysa in isbitaalkaasi oo horay ahaa heerka afaraad laga dhigay heerka shanaad.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale maanta daahfuray qaybta la tacaalidda xaaladaha degdegga ee (ICU) ee isbitaalka degmada Kapkatet ee deegaan baarlamaneedka Bureti .
Waxaa uu ka hadlay culeyska uu cudurka kansarka ku haya kenyaanka xilli uu daahfuray xarun xanuunkan lagu daaweyn doono.

Dhanka kale dabbaal degga maalinka qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day ee sanadkan ayaa waxaa hal ku dhig u ah daryeelka caafimaadka guud ee UHC.