Qaar ka mid ah dhallinyarada soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga ku barbaaray waxna ku bartay ka dibna dib u dajin ka helay waddamada horumaray ayaa fursaday waxbarasho u fidiyay dhallinyarada xeryaha ku nool waxaana ka mid ah Cabdi Aaden Khaliif oo loo yaqaano dhagajuun wuxuuna sanad kasta waxbarasho sare siiyaa tiro badan oo ka mid ah da’yarta xeryaha oo aan fursad u helin inay ku biiraan jamaacadda.
170 arday oo bartay koorsooyin kala duwan ayaa shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadaab .
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa qodobkan oo faahfaahsan Dadaab ka soo diray.