Waxaa xabsiga loo taxaabay 12 ka mid ah ganacsatada degmada Madogo ee ismaamulka Tana River.
Ganacsatadan ayaa lagu helay hilib aan sharciyaysneyn kaas oo aan lagu sameynin wax baaritaan ah.
Waxaa sidoo kale lagu helay caano aan tayadooda gaarsiisniin heerkii laga rebay, islamarkaana ruqsad ama shati ka haysanin wasaaradda caafimaadka.
Eedeysanayaasha ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee degmada Madogo.
Guddoomiye ku xigeenka dowlad dhexe ku matala degmada Bangal ee ismaamulka Tana River Joseph Kipkorir ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada khatarta ku ah caafimaadka bulshada iyagoo iibinaya agab uu wakhtigiisu dhacay.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee KWS.