DHAGEYSO:11 qof oo ku xayirmay Kitengela oo la soo badbaadiyay

0
392

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa sheegtay in magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado laga soo samatabixiyay 11 ruux iyo eey halkaasi ku xayirmay.
Tani ayaa timid ka dib markii biyaha fatahaadka ay gudaha u galeen guriyo badan.
Hay’adda oo doomo adeegsanaysa ayaa samatabixin ka wado qaybaha kala duwan ee dalka.
Meelaha dadka laga raadinaya waxaa ka mid ah webiga River Tana oo ay Axaddii ku qallibmatay doon sidday ilaa 53 qof.
Aadan Muxumad Cumar oo ku magacdheer Aadan Gaab oo ka mid ah shacabka ismaamulka Garissa ee si dhow ula socdo dadaallada lagu raadinaya qaar ka mid ah dadkii doontaasi saarnaa kuwaaso oo aan weli la helin maydadkooda sidoo kalena aan iyagoo nool la soo badbaadin ayaa u warramay warbaahinta Star.