DHAGEYSO:11 qof oo ismaamulka Migori xeelado kala duwan looga dhacay 2 milyan oo shilin

0
449

Waxaa lagu soo warramayaa in 11 qof oo ah ganacsato kasoo jeeda ismaamulka Migori xeelado kala duwan lacago looga dhacay.
Mid ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa laga dhacay lacag dhan 900,000 oo shilin, halka 10-ka kale ee qof laga lunsaday 230,000 oo shilin.
Ganacsatada la khiyaanay ayaa doonayeen in iibsadan Kalluun balse ka dib ay ogaadeen in waxa laga iibiyay uu yahay raashin digir ah.
Burcadda oo ah tuugo dhanka internetka, ayaa dhacaan gaysanayay toddobadii bilood ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin booliska soo saaray.
Mid ka mid ah dadka la khiyaanay ayaa sidatan dareenkiisa ahaa.

Dhanka kale taliyaha booliska ee ismaamulka Migori Mark Wanjala ayaa xusay in dadka ugu badan ee dhaca loo gaystay ay yihiin haween.
Waxaa uu ugu baaqay dadweynaha dowlad deegaanka Migori inay taxaddaraan