Xoolo dhaqatada ismaamulka Samburu ayaa cabasho ka muujinaya hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha nool.
Waxay dowladda ka codsanayaan inay u fududeyso sidii ay xoolahooda uga iibin lahaayeen guddiga hibilka ee dalka ee KMC si ay u helaan faa’iido lacageed.
Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen xaaladda amni ee ismaamulkaasi oo ay doonayaan in dowladda ay wax ka qabato.