DHAGEYSO: Xildhibaanka Ceeldaas oo dowladda ka codsaday inay wax ka qabato xashiishka

0
226

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu wax ka qabto nooc ka mid ah daroogada oo uu sheegay in laga soo gudbiyo dal Kenya daris la ah oo uu isticmaalkiisa saameyn ku yeeshay dhallinyarada ismaamullada waqooyiga dalka.
Keynaan ayaa xusay in haddii aan si wayn loola tacaalin xashiishka inay khatar ku sugan yihiin dhallinyarada.