Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeeray howlgal ay Ciidanka Boliisku ku burburiyeen warshad weyn oo soo saarta Maandooriyaha.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Axmad Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in howlgalka la sameeyay uu ka mid yahay kuwa taxanaha ah ee lagula dagaallamaya isticmaalka iyo ka ganacsiga balwadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankiisa digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.