Urur u ololeeya arrimaha xuquuqul insaanka iyo maamul wanaagga oo la howlgalo ismaamulka Nyandarua loona yaqaano Public Eye ayaa doonaya inuu maxkamadda dacwad u gudbiyo.
Mas’uuliyiintan ayaa dalbanaya in maxkamadda ay faahfaahin sharciyeed ka bixiso farqada 37-aad ee dastuurka dalka oo la xiriirta xaq uu qofka u leeyahay inuu dibadbax sameeyo ama ka qayb galo.
Waxay sheegayaan in farqadan si khaldan loo adeegsanaya sidaasi awgeedna loo baahan yahay in dadweynaha loo sharraxo.




