Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la yeeshaan dowladda balse ay jiraan shuruudo arrinkan la xiriira.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan diyaar u ahayn wada hadallo baarlamaani ah balse ay doonayaan nidaam la mid ah midkii dhexdhexaadinta ee Kofi Annan ee sannadkii 2008-dii.
Waxaa uu tilmaamay in marka heshiis lagu gaaro meel ka baxsan baarlamaanka ka dib in is afgaradkaasi la geynaya golaha qaran ee xeer dejinta si loo ansixiyo.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa xusay inay qasab tahay in marka hore la yareeyo qiimaha cuntooyinka, shidaalka iyo korontada.
Dhanka kale Raila Odinga ayaa sheegay inay meel waliba ka bilaabi doonaan dibadbaxyo lagu cadaadinaya dowladda dhexe.
Hasa ahaate taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda uga digay inay sameeyaan dibadbax rabshadeysan.
Waxaa uu wacad ku maray in ciidamada ammaanka aynan marnaba ka gaabin doonin inay qaadaan tallaabooyinka habboon ee dhanka sharciga.
Koome ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray warqad ay madaxda mucaaradka u gudbiyeen maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da oo ay ku doonayaan in Koome lagula xisaabtamo qaabka ay ciidamada booliiska ula dhaqameen dadkii ka qayb galay dibadbaxyadii ka dhacay ismaamullada Nairobi iyo Kisumu .
Waxaa uu sheegay in aan marnaba warqadaasi lagu cabsi gelin doonin.