DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo bulshada ugu hambalyeeyay ciidda

0
199

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga ee maanta loo dabbaal degaya.
Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha shacabka ka codsaday inay is cafiyaan oo aynan ka farxiyaan qaybaha liita ee bulshada sida agoonta iyo dadka barakacayaasha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadweynaha ka codsaday inay garab siiyaan dowladnimada iyo sugidda amniga sidoo kalena ay dalkooda u duceeyaan.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in guusha Soomaaliya kaliya lagu gaadhi karo midnimo iyo isku duubni.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha ku taliyay in cid kasta ay canshuurta bixiso , dadka loo igmaday u adeegidda bulshadana ay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.