DHAGEYSO: Madaxweynaha dalka oo sheegay in la xallin doono qiimaha sarreeya ee maciishadda

0
264

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku howlan tahay in si tartiib ah hoos loogu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda si gaar ah cuntooyinka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dibadbaxyo la sameeya aan lagu yareyn karin sicir bararka nololeed ee jira.
Hoggaamiyaha dalka ayaa kenyaanka ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan qiimo dhimista bacriminta ee ay dowladdu sameysay oo uu sheegay in ilaa iyo hadda ay ka faa’iideen 2 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale madaxda la soo doortay ugu baaqay inay u midoobaan oo ay diiradda saaraan adeegidda dadweynaha .