Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay ismaamulka Kajiado.
Waxaa uu dadweynaha kula hadlay degmada Ongata Rongai ee dowlad deegaankaasi.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inuu halkaasi u tagay daahfurka mashaariic laami lagu saaraya waddooyinka degaannada oo dheerar ahaan dhan 65 kiilomitir.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guud ahaan wadanka laga fulin doono mashaariic la xiriira waddooyinka si loo fududeeyo howlaha gaadiidka iyo ganacsiga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale ka hadlay caqabad dhanka bullaacadaha ah oo ka jirto Rongai isagoo ballan qaaday in la xallin doono dhibaatadaasi.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay wado qorshayaal hoos loogu dhigaya qiimaha maciishadda sida cuntooyinka, taageeridda wax soo saarka beeraha , la tacaalidda deymaha lagu leeyahay qaranka iyo in meesha laga saaray canshuurta lagu soo rogi jiray haamaha gaaska cuntada lagu karsado.
Madaxweynaha dalka ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inay ka laabtaan qorshahooda ku aaddan in 2-da bisha Shanaad ee May ay dib u billaabayaan mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee ay hakiyeen.