DHAGEYSO: Kenyaanka oo boqolkiiba 3 ee dakhligooda ku bixin doono iibsashada guriyo tayo leh

0
235

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa xaafadda Donholm ee ismaamulka Nairobi sheegay in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto sanduuqa guriyeynta si kenyaan badan ay ugu suurtagasho inay lahaadaan guriyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay doonaysa in dadka uu soo galo dakhli hooseeya ay ka faa’iidaystaan barnaamijka guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee dowladda.
William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay bixin doonaan boqolkiiba saddex ee dakhligooda ama mushaarka ay bil waliba qaataan si loo guda galo geeddisocodka lahaanshaha guriyaha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in marka qof kasta oo shaqaale ah uu bixiyo boqolkiiba 3 ee mushaarkiisa in qiimahan lacageed oo kale laga qaadaya qofka ama shirkadda loo shaqeeya.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan lagu billaabi doono shaqaalaha dowladda.
Waxaa uu shacabka ku nool caasimadda dalka ee Nairobi u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay sare u qaadi doonto guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee laga dhisaya gudaha magaala madaxda wadanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijka dowladda looga gol-leeyahay in ugu dambeyn meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah sidoo kalena muwaadin kasta uu mustaqbalka degganaado guri isaga u gaar ah.

Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay suurtagasho qorshaha dowladda uu yahay in sanad kasta ismaamulka Nairobi laga dhiso 100,000 oo guriyo ah isagoo faahfaahin ka bixiyay noocyada guriyaha ee ay dowladdu dhisaysa.

Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in qorshaha ay dowladda ku kordhisay lacagaha ay kenyaanka bil waliba ku bixiyaan sanduuqa qaran ee howlgabnimada ee NSSF inuu qaranka ka caawiyay sare u qaadidda lacagaha la keydiyay.
Ruto ayaa tilmaamay in meesha laga saaray 200-dii boqol ee lagu bixin jiray NSSF oo labadii bilood ee la soo dhaafay qof waliba oo shaqaale ah iyo halka uu ka shaqeeya laga jarayay boqolkiiba 6 ee mushaarka.
Tallaabadan ayuu xusay inay dalka ka caawisay maareynta deymaha shisheeye ee lagu leeyahay isagoo intaasi ku daray in labo bilood gudahooda la laba jibbaaray qiimaha lacageed ee ay dowladdu keydisay.