Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo kulan la qaatay maaamulada degmooyinka iyo hay’adaha amniga ayaa ka hadlay xaalada amni ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay diirada saareen waqtiyadii ugu dambeeyay la dagaalanka ciyaal weerada, Kooxaha hubeysan ee dilalka iyo dhaca geysta iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya uuna xusay in ay guulo ka gaareen.
Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay albaabada iskugu dhufteen kalaabyo lagu isticmaalo waxyaabaha mukhadaraadka ah ayna ku caweyn jireen dhalinyaro isugu jirto gabdho iyo wiilal, asigoona ku amray goobaha kale ee aysan weli gaarin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xiraan hadii ay xeri waayaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay isbadalka Amni ee kajira Caasimadda isagoo ku dardaarmay in la sii xoojiyo.