DHAGEYSO: Guddoomiyaha aqalka sare oo ku baaqay in ciqaabta ugu adag la mariyo Mackenzie

0
316

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi oo bayaan soo saaray ayaa ku baaqay in ciqaabta ugu adag ee suurtagalka ah la mariyo cid kasta oo ka dambeysay inay ilaa 73 qof ku dhintaan keynta tuulada Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Kingi ayaa xusay in warbixinnada isa soo taraya ee laga soo sheegaya Kilifi ay tahay inay ku baraarugaan saraakiisha sirdoonka qaran ee (NIS).
Guddoomiyaha aqalka sare ayaa su’aal geliyay sida ay ku suurtagashay in baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie Nthenge uu in muddo ah dad isugu geeyay keynta isagoo ku amray inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa iyo ay ka geeriyoodaan iyadoo aynan cidna ka war helin.
Kingi ayaa doonaya in laga jawaabo sida ay ku dhacday in iyadoo laamaha ammaanka aynan ogaan uu baadariga keyntaasi ku aasay dad badan oo u dhintay taladii uu siyay.
Guddoomiyaha ayaa kenyaanka ku boorriyey inay aad uga taxadaraan caqiidooyinka laga dhaadhicinaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay shalay goobtaasi tageen taliyaha guud ee booliiska dalka Mr. Japhet Koome, Agaasimaha waaxda dambi baarista Aamiin Maxamad iyo Nuurdiin Xaaji oo dhammaantood cambaareeyay falka halkaasi ka dhacay .
Saraakiishan ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono baadariga iyo xulafadiisa ka shaqeeyay in dad badan ay keyntaasi ku nafwaayaan.
Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio sida Opiyo Wandayi, senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo iyo xildhibaannada deegaanka Malindi Amina Mnyazi ayaa Koome ku dhaliilay inuu ka dib dhacay inuu tago meesha laga soo tabiyay musiibada waxayna ka dalbadeen inuu xafiiska banneeyo.
Waxay madaxdan doonayaan in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo baadariga lagu magacaabo Paul Mackenzie iyagoo sheegaya inay suurtagal tahay inay jiraan dad kale oo faafinaya waxyaabo halis ah.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa maanta habdhaqanka baadarigan la barbardhigay midka argagixisada oo uu sheegay inay ka been sheegaan diinta .