DHAGEYSO: Francis Atwoli oo sheegay in xasilooni daro ay keenayso dhaqaalo xumo

0
376

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee dalka (COTU) Francis Atwol oo maanta ka hadlayay maalinta shaqaalaha ayaa sheegay in mawduuca xuska maalinta ay tahay hadii aan xasilooni siyaasadeed la helin uu dalka wajihi karo dhaqaalo xumo .
Mr Atwoli ayaa ka dhawaajiyay in xasilooni la’aanta ay kenei karto in la awoodi waayo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.
Mar uu ka hadlayay arrimaha mucaaradka ayuu sheegay in aan waqtikaan loo baahneyn dibadbax dib u dhigi karaa kobaca dhaqaalaha ee Kenya.

Dhinaca kale wuxuu kula taliyay Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyaatta inuu noqdo Qof ka shaqeeya nabadda.