DHAGEYSO: Dowladda oo guddi u saareysa baaritaannada meydadkii laga helay Shakahola

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Kapenguria ee ismaamulka West Pokot sheegay inuu toddobaadkan guddi u saari doono baaritaannada xabaal wadareedyo lagu arkay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in meydadka tirada badan ee halkaasi laga soo saaray aanan marnaba la fududeysan karin.
Laamaha dembi baarista ayaa soo saaray meydadka in ka badan 100 ruux oo taabacsanaa baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie kuwaasoo qaatay talo uu u jeediyay oo ahayd inay cuntada iyo biyaha ay ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodaan.
Waxaa maanta keynta Shakahola laga soo badbaadiyey wiil 24 sano jir oo ka mid ah dadka taabacsan Paul Mackenzie isagoo halkaasi tagay ka dib markii uu qoyskiisa u sheegay inuu shakahola dhul ka iibsaday.
Qaar ka mid ah ehellada wiilkan ayaa warbaahinta la hadlay

Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay qasab tahay in laga sal gaaro xaqiijintii sidii ay wax u dhaceen.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu kulan la yeelan doono madaxda diimeed si loo soo dhiso guddi ka shaqeynaya in aan si khaldan loo adeegsan arrimaha diinta.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in guddigan uu dejin doono xeerar lagu maamulaya ururrada iyo hay’adaha diimeed si meesha looga saaro cid kasta oo fulinaysa sano shakhsiyadeed.
Nidaamkan ayaa fududeyn doono in warbixin laga gudbiyo baadariyaasha faafiya caqiidooyinka halis gelinaya nolosha dadka ku xiran kaniisadahooda.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in dhibaatadii ka dhacday Kilifi aynan mar kale saameyn qaranka.

Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale sheegay in la joogo xilligii dhammaan madaxda ka tirsan isbeheysiga muxaafidka iyo mucaaradka ay ka wada shaqeyn lahaayeen u adeegidda shacabka.

Sidoo kale waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda ay badbaadin doonto noloshooda iyo hantidooda isagoo mar kale digniin adag u diray siyaasiyiinta iyo taageerayaasha mucaaradka wuxuuna sheegay in aan cidna laga oggolaan doonin inay dano siyaasadeed awgood u dhibaateyso dadweynaha.