3 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen rabshado ka dhacay wadada Narok.
Booliska iyo dadka deegaanka ayaa ku dagaalamay wadada isku xirtaa Nairobi iyo Narok.
7 askari oo booliis ah ayaa si xun ugu dhaawacmay iska horimaadka.
Qalalaasuhu wuxuu ka dhashay dhimashada in ka badan 40 ido ah ka dib markii uu xalay gaari Bas ah dul maray idaha oo ku sugnaa agagaarka Duka Moja.
Dadka deegaanka ayaana ka carooday dhacdada uu baska ku jiiray dhowr ido ah.
Booliska ayaa baaritaan adag ku haya dhacdadan, iyadoo laamaha amaanka ay doonayaan in ay dib u soo celiyaan hub laga dhacay ciidamada.