Barasaabka ismamaulka Nairobi Jhonson Sakaja ayaa maanta sheegay in bacihii balaastikada ee alaabaha lagu qaadan jirey ee horey loo mamnuucey ay dib u soo laabteen taasina aan la aqbali karin.
Waxaa uu ka dhawaajiyay in toddobaadkaan gudihiisa la guda gali doono hawlgal lagu hubinayo in suuqyada caasimada lagu isticmaalayo bacaha ay dowlada mamnuucday sanadkii 2017-kii.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in usbuucan gudihiisa la shaqaalaysiin doono shaqaalo dhawr ah oo ka shaqeeya nadaafada caasimada dalka ee Nairobi.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay xili uu khudbad ka jeedinayay maalinta shaqaalaha aduunka oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka William Ruto.