Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Mombasa Francis Thoya ayaa sheegay in sida xal waara loogu heli karo falalka burcadnimo ay tahay in dhallinyarada loo abuuro fursado shaqo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shaqo la’aanta haysata da’yarta ay tahay sababta ay ugu lug yeeshaan falal dambiyeedyada.
Sidoo kale Thoya ayaa xusay in dowladda hoose ee ismaamulka Mombasa ay billaabaysa wajiga labaad ee barnaamijka lagu nadiifinaya deegaanka oo ay ka faa’iidi doonaan 2,300 oo dhallinyaro ah.
Waxaa qorshahan soo dhaweeyay sidoo kalena ku baaqay in maalgelin badan lagu sameeyo, mudanaha degaanka Jomvu Badi Twalib.




