DHAGEYSO: Atwoli oo Uhuru ugu baaqay inuu ka fadhiisto siyaasadda

0
233

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ku boorriyey inuunan ku mashquulin arrimo siyaasadeed oo uu nabad galyada ka shaqeeyo.
Waxaa uu kula taliyey in maadaama uu howlgab noqday uunan siyaasad ahaan ula kala safan madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo ka dib markii Uhuru uu tagay xarunta dhexe ee xisbiga Jubilee ee xaafadda Kileleshwa ee magaalada Nairobi oo uu ka dhacay qalalaase salka ku haya muran hoggaamineed.
Atwoli ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dastuurka dalka uu qeexo doorka madaxweynayaasha howlgabka noqdo si ay kaalin firfircoon uga qaataan arrimaha nabadda.