Todoba qof oo kale ayaa laga soo badbadiyay tuulada Shakahola ee deeganka Malindi, ismaamulka Kilifi maalmo un ka dib markii qof ay u dhinteen talo qaldan oo uu siiyay baadiriga kanisiada Good News International .
Waxaa dadkani oo ku xirnaa meel uu soo badbaadiyay wakiilka laga soo doortay waaxda Adu Ward isagoona u kaxeeyay saldhiga booliska ee Malindi.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo baadiriga Paul Mackenzie Nthenge ay ku socdaan dacwad la xariirta inuu talo qaldan siiyay dad dhawr isagoona ku wargaliyay inay ka soomaan cunada.
Tan ayaana keentay in afar qof ay gaajo u dhintaan iyagoona in mudo ah ku xirnaa geed.
11 qof oo kale ayaa dhacdaan lagu soo badbaaiyay iyagoona daryeel caafimaad la siiyay.
dadka deegaanka oo uu ugu horeeyo wakiilka Adu Ward ayaa ka hadlay dhacdaan.