DHAGEYO:DCI oo u yeertay saddex hoggaamiyaasha deegaanka ee ismaamulka Lamu

0
198

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay saddex shakhsi oo dheeraad oo ka mid ah hoggaamiyayaasha deegaanka ee ismaamulka Lamu.
Dhawaan ayay ahayd markii afar kale oo ka mid ah hoggaamiyaasha deegaanka Lamu ay waaxda DCI-da u yeertay.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyey kicinta dadweynaha ee ismaamulkaasi si rabshad loo abuuro.
Waxaa shakshsiyaadkan lagu amray inay iska xaadiriyaan xafiisyada waaxdan ee ismaamulka Lamu oo ay halkaasi ku qoraan farriin.
Arrintan waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka Lamu Luis Rono.