DHAGAYSO: Xildhibaanka Makadara oo cambaareeyay ganacsatada wali ku sugan xaafada Makongeni iyadoo shacabka laga saaray

0
29

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan Baarlamaaneedka Makadara ee ismaamulka Nairobi George Aladwa ayaa garab istaag u muujiyay dad ka mudaaharaadayay burburinta loo gaystay xaafada Makongeni.
Waxaa uu cambaareeyay in qaar ka mid ah milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay wali ku sugan yihiin Makongeni iyadoo shacabka goobtaasi laga saaray.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin in dad gaar ah ay ku sii sugnaadaan Makongeni iyadoo dadka xaafada xooga looga saaray.