DHAGAYSO: Qoyska haweeneyda Kitale oo la waayay lix toddobaad ka hor oo doonaya baaritaan madax bannaan

0
16

Qoyska Caroline Mokeira, oo la waayay in ka badan lix toddobaad ka hor, ayaa codsanaya baaritaan madax bannaan oo ku saabsan meesha ay gabadhooda ku sugan tahay.
Qoyska ayaa sheegay in baaritaannada booliiska ay joogsadeen iyadoo aan la qaadin tallaabooyin macno leh tan iyo markii la waayay.
Booliiska ayaa sheegeen in toddobaadyadii xigay, aysan awoodin inay ururiyaan waxa ay ugu yeeraan macluumaad sax ah oo ku saabsan kiiska.
Mokeira, oo deggan magaalada Kitale, ayaa markii dad ugu war dambeysay la arkay 17-kii bishii October iyadoo la socota ninkeeda Tobias Keller.
Bishii hore ee November saraakiisha ammaanka ayaa xabsiga dhigay ninkeeda iyo eedeeysane kale balse maxkamadda ayaa siidaysay oona amartay inan dib loo soo qaban illaa laga keeno xog dheeraad ah ka dib markii xeer ilaalinta ay ku guuldareysatay inay la xiriiriso maqnaansha haweeneyda labada eedeeysane.
Madaxa DCI-da ee Trans Nzoia, Josephat Ndung’u oo su’aal laga weeydiyay halka uu kiiska maraayo ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha baarista aysan wax macluumaad ah ka haynin kiiskan.
Qoyska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan rajada ah in booliiska ay heli doonaan macluumaadka saxda ah si loo ogaado halka ay gabadhooda ku maqan tahay.