Mucaaradka Midaysan ayaa ku eedeeyay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) inay yihiin kuwo u shaqeeya Dowladda, iyagoo uga digay guddiga inay kormeeraan doorashooyinka aan sinnayn ee 2027-ka.
Hoggaamiyayaasha, oo isugu soo baxay Tuulada Ithanga ee ismaamulka Murang’a Talaadadii si ay uga qayb galaan aaska Herbert Kariithi Macharia oo geeriyooday ayaa sheegay in doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhawaan dhacay ay soo bandhigeen xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo IEBC.
Waxaa ay ku eedeeyeen inay tahay muddo kordhin dowladda loo sameynaayo iyagoo su’aal geliyay hufnaana diyaargarowga Doorashada Guud ee 2027-ka, iyagoo ballanqaaday inay ka hor imaan doonaan natiijada doorashooyinka ku celiska ahaa ee deegaannada Malava iyo Waqooyiga Mbeere, kuwaas oo ay sheegeen inay yihiin kuwo been abuur ah.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha IEBC Erustus Edung Ethekon iyo Madaxa Fulinta ee IEBC Marjan Xuseen Marjan inay la safteen maamulka Kenya Kwanza halkii ay ka ilaalin lahaayeen madaxbannaanida IEBC.
Waxaa ay si dheeraad ah u difaaceen midnimadooda, iyagoo sheegay inay sii wada joogi doonaan si loo hubiyo in Madaxweyne Ruto uu noqdo madaxweyne hal mar ah.
Mucaaradka ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto xaalad argagax leh, iyagoo isku dayeen inay kala qaybiyaan mucaaradka ka hor doorashada guud ee 2027.
Eugene Wamalwa ayaa sheegay in uu jiro qorshe ula kac ah oo uu Ruto ku kala qaybinayo mucaaradka.
Hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua, oo martigeliyay mucaaradka, ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha gobolka bartamaha dalka inay kala qaybiyaan codadka madaxtinimada ee gobolka.




