DHAGAYSO: Burbur hanti iyo dhaawacyo culus oo laga soo tabiyay isku dhacyo cusub oo ka dhacay Koonfurta Trans Mara

0
31

In ka badan 30 guri oo ku yaal Koonfurta Trans Mara ayaa la gubay, tiro badan oo dad ahna way ku dhaawacmeen ka dib isku dhacyo cusub oo ka dhacay deegaanka oo ku yaalo ismaamulka Narok.
Boqolaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa magangelyo ka raadsaday iskuullo u dhow iyadoo xiisadda ay sii kordhayso khilaaf la sheegay inuu ka dhashay muran dhuleed. Iskahorimaadyada soo cusboonaaday ayaa sababeen dhimashada afar qof iyo burbur hanti oo aan qiimaheedu la garanayn.
Saddex maalmood ka dib markii xasilloonidii ay ku soo laabatay aagga weyn ee Angata Barrikoi, dadka deegaanka ayaa mar kale raadinayaan magangelyo.
Subaxnimadii Talaadada, kooxo hubaysan ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen tuulooyinka Lolama iyo Rotik, iyagoo gubay 30 guri.
Dadka deegaanka oo sheeganaya lahaanshaha sharciga ah ee dhulka ayaa sheegay in isku dhacyada cusub ay ka dhasheen muran dhuleed oo aan caadi ahayn.
Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa la sheegay in la toogtay intii lagu jiray iskahorimaadyada isdaba joogga ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Kilgoris Julius Sunkuli oo warabaahinta la hadlay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.