DHAGAYSIO: Dowladda oo caddeysay in jasiiradda Migingo ay ka mid tahay Kenya

0
51

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu xaflad dhaqameed uga qayb galayay deegaanka Nyatike ee ismaamulka Migori sheegay in jasiiradda Migingo Island oo horay loogu muransanaa ay ka mid tahay dhulka Kenya.
Waxaa uu xusay in ay adeegsan doonaan qaab kasta oo ay dibloomaasiyad ka mid tahay si meesha looga saaro sheegashada Uganda ee jasiiraddaasi.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan marnaba oggolaan doonin in kalluumeysatada kenyaanka ah ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidamo shisheeye.