Dhac laga gaystay hooyga wasiiradda adeegga dadweynaha

0
332

Waxaa lagu soo warramayaa in koox burcad ah ay galinkii dambe ee shalay u dhacday hooyga wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa.
Wargeyska Nation oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan booliiska ayaa ku warramaya in halkaasi laga dhacay lacag dhan 1.1 milyan oo shilin.
Booliiska ayaa baaritaano dheeraad ah ku sameynaya falkan laga gaystay Nairobi oo ay wararku sheegayaan inay sidoo kale dhaawacyo fudud ka soo gaareen mid ka mid ah gabdhaha wasiiradda.