DFS oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

0
313

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay booqasho ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Hargeysa ay tahay qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana tallaabadaasi ay si toos ah u jebinayso madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay caddeysay in xiriir ama joogitaan rasmi ah oo laga sameeyo dhulka Soomaaliya iyada oo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharci-darro ah, waxba kama jiraan ah, isla markaana aan lahayn wax saameyn sharciyeed.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada iyo madaxbannaanida dalka, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si cad u muujiyaan taageerada ay u hayaan xuduudaha iyo qaranimada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay diblomaasiyad nabadeed iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, balse ay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo kasta oo sharci iyo diblomaasiyadeed oo ay ku difaaceyso midnimada, qaranimada iyo dhulkeeda.