Deymaha lagu leeyahay waaxyaha dowladda oo ay ku korortay 29 bilyan

0
391

Macluumaadka wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa muujinaya in wixii ka horreeyay 30-kii bishii 6-aad ee sanadkan , deymaha lagu leeyahay waaxyaha dowladda ay ku korortay 29 bilyan oo shilin tani oo amaahda guud ka dhigaysa 516.3 bilyan.
Waxay tani caddeynaysa culeysyada ay dowladdu kala kulmaysa bixinta deymaha ay ku leeyihiin qandaraasleyda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale guddi loo xil saaray xaqiijinta deymahan uu ku dadaalaya in la dardargeliyo dib u bixintooda.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa warbixin qiimeyn ah oo ay soo saartay ku sheegtay in deymaha ugu badan oo ah 379.8 bilyan oo shilin una dhiganta boqolkiiba 73.6 lagu leeyahay shirkadaha dowliga ah.
Inta soo hartay oo ah 136.5 bilyan oo shilin waxaa lagu leeyahay wasaaradaha , waaxyaha hoos tago iyo laamaha kale ee dowladda.