Deni oo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweyne ee Soomaaliya

0
775

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaah Deni, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay jagada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, sida u shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Daparani.
Saciid Deni ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xasan Sheekh iyo xildhibaan dowladda federaalka sanadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.
Mr. Saciid Deni oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002-dii.