Jugta qarax xooggan ayaa 30 daqiiqo ka hor laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Albaabada laga galo Dugsiga Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshadda Nacnaca.
Warar hordhac oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa dhacay uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , islamarkaana uu isku dhex qarxiyay dhallinyaron farabadan oo dooneysay inay qortaan Askarnimo.
Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa ku soo qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay, sidoo kalena waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo ay ridayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay afaafka hore Xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhagabadan, inkastoo la sheegayo in qaraxa waxyeelo ka soo gaartay dhallinyaradii askarnimada qoraneysay.