Degdeg: Maydka sarkaalkii IEBC ee bariga Embakasi oo la helay

0
259

Waxaa magaalada Oloitoktok oo ka tirsan ismaamulka Kajiado laga helay meydka sarkaalkii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC u qaabilsanaa maareynta doorashada deegaanka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi .
Daniel Mbolu Musyoka ayaa maalmo ka hor la waayay xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo sida uu 12-kii bishan xaqiijiyay guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in galinkii dambe ee shalay ay dad xoolo dhaqato ah meydkiisa ku arkeen webi u dhow kaynta Kilombero ee Oloitoktok.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliska ee degmada Oloitoktok Kipruto Ruto.
Taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in meydka lagu tuuray webiga laga keenay meel kale.
Booliska ayaa intaasi ku daray inay meydka Daniel ay aqoonsadeen walaalihiisa oo kala ah Mary Mwikali iyo Ann Mboya waxaana la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Loitokitok.
Sarkaalkan oo 53 sano jir ah ayaa la waayay abaare 9:45 subaxnimo ee 11-kii bishan Siddeedaad tan iyo xilligaasina waa la raadinayay ilaa iyo ugu dambeyn meydkiisa la helay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Wafula Chebukati ayaa horay u sheegay in markii ugu war dambeysay Daniel uu ku sugnaa xarunta dhexe ee codadka lagu tirinayay ee dugsiga bariga Afrika ee duulimaadka.