Deegaanka Kiambaa oo ay doorasho ku celis ah ka dhacayso toddobaadkan

0
424

Waxaa la filayaa in maalinka Khamiista taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka bishan ay deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ka dhacdo doorasho ku celis ah.
Kursi baarlamaneedka Kiambaa ayaa bannaanaday ka dib geeridii horraantii sanadkan ku timid Paul Koinange.
Xisbiyada Jubilee iyo UDA ayaa si wayn ugu tartamaya in musharrax ka tirsan uu kursigan ku guulaysto.
Guddiga IEBC ayaa dhankiisa sheegay inuu doorashada si cadaalad ah ku dheehan tahay u maareyn doono.