Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa daahfuray Shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka kaasoo ka dhacay Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshisiinta Maamulkaasi
Waxaana kasoo qeyb galay Wasiiradda wasaaradadaha Galmudug agaasimayaasha wasaaradaha iyo xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Kulankaan ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay Si loo daadajiyo loona kor joogteeyo shaqada wasaaradaha Galmudug ayt muhiim u arkaan in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug ayaa Xusay in Maamul Daadajinta ay Galmudug ugu jirto arrimaha horutabinta u leh, asagoo Sheegay in Galmudug dhawan ay ka bilaabi doona Barnamij Dhab u heshiisin oo Galmudug ay baahi wayn u qabto,maadaama deegaanada Maamulkaas ay ku soo lalaabtaan isku dhacyada qabaa’ilka iyo dilalka aanooyinka ku Salaysan.