Deegaanada Hirshabeelle oo gole deegaan loo samaynayo

0
333

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay inay wadaan qorshooyin dhowr ah oo Golle degaan loogu dhisayo dhamaan degmooyinka Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxaa uu sheegay in horay Golle degaan loogu dhisay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sidoo kale ay socdaan dhismaha Golle degaan oo loo dhiso degmooyinka, Jowhar, Buulo-Burde, Beledweyne iyo dhamaan degmooyinka ee Hir-Shabeelle.
Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle waxaa uu intaasi ku daray in Bulshada degmooyinkaaasi ay, iyagu dalbanayaan in Golle degaan loo sameeyo, isla markaana faa’iidada ay leedahay ay tahay in Bulshada ay doortaan qof ay kalsoonida ku qabaan.
Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kusoo aadaya xilli weli caqabado dhowr ah oo ka imaanaya badankood Gobolka Hiiraan uu wajahayo Maamulkiisa.