DCP oo shaacisay magacyada 22 musharrax oo ku matalaya doorashooyin ku celis ah

0
437

Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ee DCP ayaa soo bandhigay 22 musharrax oo ku matali doono doorashooyinka ku celiska ah ee ka dhacaya qaybo ka mid ah waddanka.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah Aadan Maxamad oo loo soo xushay inuu u tartamo kursi baarlamaneedka Banisa ee ismaamulka Mandera.
Ku xigeenka madaxa xisbiga DCP ,Cleophas Malala ayaa sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan dhammaan doorashooyinkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in musharraxiinta ay hadda xiriir la sameynayaan codbixiyeyaasha.
Malala ayaa sidoo kale taageerayaasha xisbigan u xaqiijiyay in geeddisocodkan uu noqon doono mid daahfuran oo cadaalad ah.
Madaxa DCP Rigathi Gachagua ayaa horay u sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay sanadka 2027-da talada qaranka ugala wareegi lahaayeen madaxweyne William Ruto.