DCI oo xirtay eedeysanayaal lala xiriirinaya fadeexad Dahab

0
255

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex qof oo loo haysto ku lug lahaanshaha fadeexad la xiriirta ka ganacsiga dahabka.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan inay qof ajnabi ah ka khiyaaneen 183,600 oo doolar una dhiganta 34 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu sheegay Anthony Ombui Ondiek ,Henry Onyango Ogeya iyo Henry Momanyi Nyabuti ayaa qofka lacagta uga qaatay bakhaar ku yaalla agagaarka waddada Mombasa Road meel aan ka fogeyn xaafadda Mlolongo ee ismaamulka Machakos ka dib markii ay ka dhaadhiciyeen inay ka iibin karaan 6,264 kiilogaraam oo dahab ah.
Hasa ahaate ganacsadaha oo ka shakiyay shakhsiyaadkan ayaa ku wargeliyay waaxda dambi baarista.
DCI-da ayaa weli raadinaysa eedeysanayaal kale oo baxsad ah.