DCI oo u yeertay xildhibaanka deegaanka Tiaty

0
176

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo , William Kassait Kamket.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasigan lagu eedeyey kicinta dadweynaha si rabshad loo abuuro.
Isku duwaha waaxda dambi baarista ee DCI-da laanteeda gobolka Rift Valley Charles Kanyuira ayaa arrinkan xaqiijiyay.
Waxaa Kamket lagu amray inuu iska xaadiriyo xafiisyada waaxdan ee ismaamulka Nakuru oo uu halkaasi ku qoro farriin.
Siyaasiyiinta kale ee su’aallaha la waydiinaya ayaa kala ah senatarka ismaamulka West Pokot Julius Murgor iyo xildhibaanka deegaanka Sigor Peter Lochakapong.