Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa howlgalka caalamiga ee cadaallada ay tababarro u fidisay saraakiil qaabilsan arrimaha jinsiyadda.
Dambi baarayaasha ismaamullada Mombasa, Kilifi iyo Kwale ayaa tababarrada ka faa’iidaystay.
Howlwadeennada ayaa la fahansiinayay sida ay uga hor tagi karaan musaafurinta carruurta si galmo iyo dembiyo kale loogu adeegsado.
Tababarka oo uu soo qaban qaabiyay howlgalka caalamiga ee cadaaladda ee (IJM) ayaa waxaa ka qayb qaatay ku dhawaad 100 sarkaal.
Waxaa lagu falanqeeyay marxaladaha kala duwan ee la maro ka hor inta canug aan qaangaarin looga faa’idaysan galmo.
Dambi baarayaasha ayaa la baray qaabka ay ku aqoonsan karaan carruurta dhibaatadan u nugul.
Sidoo kale waxaa saraakiisha lala wadaagay xeerarka dastuuriga ee arrintan lagula tacaalo.
Mid ka mid ah khuburrada tababarka bixinayay sidoo kalena ah la taliye dhanka sharciga kana tirsan garyaqaannada maxkamadda sare Naomi Gichuki ayaa sheegtay in tababarka uu saraakiisha si buuxda ugu diyaariyay wax ka qabashada dembiyadan.
Waxay ku celcelisay in haddii dhibaatadan aan lala daggaalamin ay burburin karto mustaqbalka nololeed ee carruur badan oo ku nool gobolka Xeebta.
Naomi ayaa xustay in carruurta qaar lagu qanciyo cunto, dhar iyo kal-gacayl loo muujiyo oo marka kalsooni looga helo loo adeegsado inay jirkooda ka ganacsadaan iyagoo laga soo fogeeyay saaxiibadooda iyo qoysaskooda.
Tababarka dambi baarayaasha la siiyay waxaa qayb ka ahaa qaabka ay u wareysan karaan dhibbanayaasha iyagoo aan niyad jab iyo culeys maskaxeed ku keenin,maareynta meelaha dembiyadan laga gaysto , isku dubaridka caddeymaha iyo qodobbo kale.
Tababarka ka dib ayaa waxaa xarigga laga jaray qol gaar ah oo loogu talagalay in lagu wareysto carruurta dhibaatooyinka la kulmo.
Waxaa xafiiska laga hirgeliyay xarunta ka hor tagga tahriibka iyo badbaadinta carruurta ee (AHTCPU) ee Mombasa.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa soo dhaweysay wada shaqeynta kala dhexeysa howlgalka caalamiga ee cadaallada oo ay ku tilmaantay mid xaqiijinaya badqabka carruurta.
DCI PARTNERS WITH THE INTERNATIONAL JUSTICE MISSION IN TRAINING GENDER OFFICERS
Investigators based in three Coastal counties have been trained on how to curb Child Sex trafficking and other related vices, that are prevalent in the country’s tourism hub. pic.twitter.com/dEqQtsXcGZ
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 4, 2022
The Directorate of Criminal Investigations welcomes this partnership with the International Justice Mission, as one of the ways of ensuring the safety and security of our children in the increasingly globalized society that we live in today. #FichuakwaDCI 0800722203
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 4, 2022




