Waaxda dambi baarista dalkaee DCI-da ayaa sheegtay inay baaritaano dheeraad ah ku hayso oo dhawaan maxkamadda la soo taagi doono eedeysanayaal qaab khiyaano ah ku helay ku dhawaad 500 oo milyan oo shilin.
Qorshahan ayay laanta dambi baarista ee wadanka ku tilmaantay xeelad aad u sarreysa.
Adeegga Fuliza ee ay maareysa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayey macaamiisha MPESA lacago ka daynsadaan marka aynan lacag ku filan ugu jirin akoonkooda.
Xatooyadan oo si wayn la iskugu duba riday ayaa waxaa ka qayb qaatay ilaa 8 qof oo ka soo jeedo ismaamullada Nakuru iyo Trans-Nzoia .
Waaxda DCI ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Isaack Kipkemoi, Gideon Rono, Maxwell Ributhu, Gideon Kirui, Moses Rono, Collins Kipyegon Edwin Cheruiyot iyo Peter Gitahi .
Dadkan ayaa markii la xirayay lagu helay kumanaan ah leemanka taleefoonada gacanta ee shirkadaha Safaricom iyo Airtel .
Waxay adeegsanayeen nambarrada aqoonsiga qaran ee ID-ga oo la farsameeyay oo ay leemankan ku diiwaangeliyeen ka dibna ay ku qaateen lacagaha amaahda ah.
HOW FULIZA LOST CLOSE TO SH 500 MILLION TO SCAMMERS
Detectives have uncovered a high level fraud syndicate where scammers have obtained close to Sh500 million through a popular mobile phone platform supported by mobile communication service provider, Safaricom. pic.twitter.com/92qwh9700n
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) February 8, 2023




